Qof Turkish ah iyo saddex askari oo Soomaali ah ayaa ku dhintay tiro intaas ka badana waa ku dhaawcmeen qarax ka dhacay wadada u dhaxaysa Muqdisho iyo Afgooye.
Gaari walxaha qaraxa laga soo buuxiyay ayaa saaka lagu weeraray shaqaale Turkish ah oo ka shaqeynayay dhismaha waddada xiriirisa Muqdisho iyo Afgooye.
Wasaaradda Arrimaha Dibada Turkiga ayaa xaqiijisay in weerarkaas uu ku dhintay muwaadin Turkish ah, sidoo kale ay ku dhaawacmeen afar kale.
“Waxaan ka xunnahay in aan helno warka ah in saakay argagixiso weerar loo adeegsaday gaari qaraxyo laga soo buuxiyay lala beegsaday shirkad Turkish ah oo ku taala Soomaaliya ay sababtay khasaaraha 4 qof oo uu ku jiro muwaadin Turki ah. Waxaan si dhaw ula soconaa xaalada caafimaad ee 4 muwaadin oo Turkish ah oo ku dhaawacmay weerarka” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibada Turkiga.
Dhanka kale Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa cambaareysay kana tacsiyeysay weerarka lagu qaaday shaqaalaha Turkiga ee dhisayay waddada Muqdisho iyo Afgooye.
Ururka Al-shabaab ayaa sheegtay mas’uuliyadda weerarka maanta lagu qaaday shaqaalaha Turkiga.
Dhowr jeer oo hore ayaa weeraro khasaare geystay lagu qaaday shaqaalaha Turkiga ee dhisa waddada Muqdisho iyo Afgooye.

PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.