Diyaaradaha dagaalka Maraykanka, ayaa xalay duqayn xooggan ka fuliyay degaanka Kuunya-Barrow oo ka tirsan Gobolka Shabeellada Hoose.
Duqayntaas waxa lala beegsaday, xarun warbaahineed oo Al-shabaab degaanka ku lahaayen, taas oo gebi ahaanba burburtay, sida laga soo xigtay Bulshada ku nool Kuunya-Barrow.
Maraynkanka iyo Al-shabaab, midkoodna weli kama hadlin duqaynta lagu burburiyay xaruntii Idaacadda Al-shabaab ee tuulada Kuunya-Barrow ee Gobolka Shabeellada Hoose.
Duqayntan waxay noqonaysa tii u horraysay oo sannadkan cusub ee 2021 Ciidamada Maraykanku ka fuliyaan gudaha Soomaaliya, islamarkaana ku beegsadaan Al-shabaab.
PUNTLAND POST