Kiki Gbeho oo loo magacaabay ku xigeenka wakiilka Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya

Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay António Guterres, ayaa Qoraal uu soo saaray ku magacaabay ku xigeenka cusub ee Wakiilka Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya.

Mr António Guterres, ayaa Anita Kiki Gbeho oo u dhalatay waddanka Ghana u magacaabay ku xigeenka wakiilka Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya.

Kiki Gbeho, waxay xilkan kala wareegysa Raisedon Zenenga oo u dhashay dalka Zimbabwe, kaas hore u ahaa ku xigeenka Ergeyga gaarka ah ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya.

 Xoghayaha Qaramada Midoobay António Guterres, ayaa sheegay in Gbeho ay leedahay qibrad 25 sano ah oo la xiriirta qorsheynta istaratjiyadda, isku duwidda iyo maamulka siyaasadda islamarkaana ay kasoo shaqeysay xafiiska horumarinta Arrimaha binu’aadannimada Qaramada Midoobay ee New York.

Haweeneydan ayaa Qaramada Midoobay kala soo shaqeysay dalal colaado ka dhaceen oo ay kamid yihiin Angola, Cambodia, Iraq, Namibia, Sudan iyo Soomaaliya.

PUNTLAND POST