Shirka Madasha Aragti wadaaga ee Machadka Heritage 2020, oo sannadkiiba mar la qabto ayaa lagu wadaa in uu saaka ka furmo xarunta Jaamacadda PSU ee magaalada Garoowe.
Shirka oo markii u horraysay lagu qabanayo gudaha Soomaaliya, gaar ahaanna Garoowe, waxaa qeybgala madaxwenayaasha Puntland, Jubbaland iyo Galmudug, Ra’iisul wasaare ku xigeenka Soomaaliya, xildhibaano iyo wasiiro ka tirsan DFS iyo dowlad goboleedyada, midowga musharaxiinta iyo marti sharaf kale.
Madasha Heritage sanadkan waxaa looga doodi doonaa xasilinta dalķa, dhameystirka dastuurka, qabasho doorasho qof iyo cod ah 2025 iyo yagleelida nidaam federaal oo shaqeynaya.
PUNTLAND POST