
Madaxweynaha Dowladda Puntland Siciid Cabdullahi Deni ayaa Galabta xarunta Jaamacadda PSU ee Garoowe ka daahfuray Shirka Madasha Aragti wadaagga ee Machadka Heritage.
Doodda shirka sanadka ayaa ku qotonta “sidee looga bixikaraa ku-meelgaar-nimada daba-dheeraatay sanadka 20205″.
Shirka waxaa qayb ka ah Madax ka socota DFS, Madaxweynayaal hore ee Soomaaliya iyo Puntland, Masuuliyiin ka tirsan Goleyaasha DFS iyo kuwo ka tirsan Dowladdaha Xubnaha ka ah, masuuliyiin ka socda bulshada rayidka ah, culimo, aqoonyahano, siyaasiyiin iyo masuuliyiin kale.
Madasha Heritage sanadkan, waxaa looga doodi doonaa Xasilinta Dalķa, dhameystirka Dastuurka, qabasho doorasho qof iyo cod ah 2025 iyo yagleelida Nidaam federaal oo shaqeynaya.






PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.