Taliska Ciidamada Milateriga Itoobiya ayaa shaaciyay in ay gacanta ku dhigeen in ka badan 10 gantaal oo lagu qariyay bakhaar ku yaal magaalada Mekelle ee xarunta Tigray.
Taliska ayaa aaminsan in Xoogagii Tigreega ee TPLF ay Gantaalahaas meesha ku qarsadeen wakhtigii uu socday dagaalkii u dhexeeyay Itoobiya iyo Xoogagii Tigreega.
Qoraal uu soo saaray Talisku ayuu ku sheegay in nooca Gantaalaha la helay ay yihiin kuwii TPLF u adeegsan jirtay duqaynta magaalooyinka Bahrdar iyo Asmara.
PUNTLAND POST