Maxkamadda Ciidamada Soomaaliya oo xukuntay Saddex Xubnood oo ka tirsan Al-Shabaab

Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ee Soomalia ayaa Maanta waxaa ay xukuno kala duwan ku riday Saddex xubnood oo ay haweeneey ku jirto, kuwaas oo lagu helay inay ka tirsan yihiin Ururka Al-Shabaab.

War kasoo baxay Maxkamadda Ciidamada ayaa waxaa lagu sheegay in Deeqo Maxamed Qeyliye Sabriye, Cabdikariim Maxamuud Cusmaan iyo Maxamed Siid Cali Maxamuud loo xiray  july 19-keedii la shaqeynta Al-Shabaab iyo in ay ahaayeen koox wada degan oo ka shaqeysa Gudbinta iyo Keydinta Agabka Ciidan ee loo adeegsado dilalka gaadmada ah.

Xafiiska Xeer Ilaalinta ayaa cadeyn ahaan Maxkamadda u hor keenay Agab isugu jiro Hub iyo Qaraxya oo lagu soo wada qabtay eedeysanayaasha oo iyaga aasayay Qarax uu mid kamid ah  kaga dhintay Mid kalane kaga dhaawacmay, waxaa sidoo kale la dhageystay Qiraallada Dambiyadii ay galeen.

Qareenada u doodayay Eedeysanayaasha ayaa Codsaday in loo Naxariisto Maadaama an la cadeyn Dambi ka dhashay Dil iyo Dhaawac toonna.

Maxkamaddu waxay ku kala xukuntay Deeqo Maxamed Qeyliye Sabriye 15-sano Xabsi Ciidan ah , Cabdikariim Maxamuud Cusmaan 3-sano Cabsi Ciidan ah iyo Maxamed Siid Cali Maxamuud 20-sano oo xarig ah, sida uu u sheegay dhinacyada Dacwadda Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute guddoomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad Ee Ciidamada Qalbka Sida.

PUNTLAND POST