
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa goordhaweyd magacaabay Afhayeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.
Wareegto ka soo baxday xafiiska Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa Maxamed Ibraahim Macallimuu loogu mgacaabay Afhayeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.
Macallimuu ayaa sanado badan ka tirsanaa laanta afka Soomaaliga ee BBC-da, haddana wuxuu ahaa Xoghayaha ururka suxufiyiinta FESOJ.
Dhanka kale Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa maanta Maxamed Ibraahim Nuur u magacaabay xoghayaha Joogtada ah ee xafiiskiisa, isagoo xillaas ka qaaday Cabdirisaaq Caato.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.