Kooxda Xisbullaah oo heshay hub walaac ku abuuray Israel

Hoggaamiyaha Kooxda Xisbullaah ee waddanka Lubnaan ayaa sheegay in kooxdiisa ay hadda haysato laba laab tirada gantaallada la hago ee ay haysatay sanad ka hor, islamarkaana isku dayo ay Israel kaga hortageysay inay hubkaas helaan uu fashilmay.

Hassan Nasrallah, oo wareysi siiyay taleefishinka saldhiggiisu yahay Beirut ee Al-Mayadeen, ayaa sheegay in kooxdiisa ay awood u leedahay inay weerarto meel kasta oo ka mid ah Israel iyo dhulka la haysto ee Falastiin.

Nasrallah ayaa sheegay in markii ay Israel ugu hanjabtay Xizbullah, ayada oo usoo marineysa sarkaal Mareykan ah, inay weerereyso xarumo ku yaalla gobolka bari ee Bekaa, ay kooxdiisa ka digtay inay aargudan doonto.

Israel ayaa bilihii tegay walaac ka muujisay in Xizbullah ay dhiseyso warshad soo saarta gantaalada la hago.

PUNTLAND POST