Dib u dhac ku yimid Madasha Aragti wadaaga Heritage ee Garoowe

Shirka Madasha Aragti wadaaga ee Machadka Heritage 2020, oo lagu waday in uu Galabta ka furmo Hotel Martisoor Garoowe, ayaa dib u dhac kooban ku yimid.

Agaasimaha Heritage Cabdirashiid Khaliif Xaashi, oo goor dhoweyd Warbaahinta la hadlay ayaa shaaciyay in dib u dhac kooban uu Shirka ku yimid, kadib markii Hoolka Hotel Martisoor uu qaadi waayay dadka ku casuman Shirka.

Wuxuu sheegay in Shirka loo wareejiyay Hoolka Jaamacadda PSU ee caasimadda Garoowe, halkaas oo uu si rasmiya uga furmi doono Arbacada berri ah.

Shirka Madasha Aragti wadaaga ee Machadka Heritage 2020, oo markii u horraysay lagu qabanayo gudaha Soomaaliya, gaar ahaanna Garoowe, waxaa qeybgala madaxwenayaasha Puntland, Jubbaland iyo Galmudug, Ra’iisul wasaare ku xigeenka Soomaaliya, xildhibaano iyo wasiiro ka tirsan DFS iyo dowlad goboleedyada, midowga musharaxiinta iyo marti sharaf kale.

Madasha Heritage sanadkan waxaa looga doodi doonaa xasilinta dalķa, dhameystirka dastuurka, qabasho doorasho qof iyo cod ah 2025 iyo yagleelida nidaam federaal oo shaqeynaya.

PUNTLAND POST