Madaxweyne Trump oo saxiixay Xeer dhaqaale oo uu diiddanaa

Madaxweyne Donald Trump ayaa maanta oo Isniin ah saxiixay gargaar dhaqaale oo ka kooban $900 oo bilyan oo dollar oo lagu caawinayo shacabka iyo Ganacsiyada uu saameeyay xanuunka COVID-19.

Mr Trump ayaa sharcigan saxiixay kadib toddobaad uu diidanaa, oo uu cadaadis xooggan kala kulmayey Xeer-dejiyayaasha dimoqraadiga iyo kuwa xisbigiisa Jamhuuriga.

Trump oo xilka ka degaya 20-ka Jannaayo ee sannadka 2021 ayaa markii hore dalbanayay in lacagta loogu talo-galay shacabka oo ah $600 oo Dollar qofkiiba laga dhigo 2,000, si uu u saxiixo sharciga.

Xubnaha dimoqraadiga ayaa ogolaaday dalabkiisa una diyaar ahaa inay lacagta korrdhiyaan, balse waxaa ka horyimid sharci-dejiyayaasha Jamhuuriga.

Xubnaha dimoqraadiga ayaa ballan-qaaday in garagaar kale oo dheeri ah uu iman doono marka uu talada la wareego madaxweynaha la doortay Joe Biden waxase jirta in Jamhuuriga weli aysan caddayn mowqifkooda.

PUNTLAND POST