Ugu yaraan toddoba qof ayaa dhintay kaddib markii nin toorrey ku hubeysan uu weerar ka geystay waqooyi-bari Shiinaha, sida ay warbaahintu sheegtay.
Toddoba qof oo kale ayaa lagu soo warramayaa in ay ku dhaawacmeen weerarkaas oo ka dhacay Kaiyuan, oo ah magaalo yar oo ku taalla gobolka Liaoning.
Booliiska ayaa xiray qof weerarkaas looga shakisan yahay, sida ay ku warrantay wakaaladda wararka Shiinaha ee Xinhua, inkastoo aan la ogeyn ujeeddada ka dambeysa weerarkaas.
Dembiyada rabshadaha wata ayaa si dhif ah uga dhaca shiinaha, balse waxaa dalkaas sanadihii la soo dhaafay ka dhacay weerarro toorrey loo adeegsaday oo aan kan la xiriirin.
Waxaa inta badan weerarradaas geysta dad dhimirka ka xanuunsan, amaba doonaya inay ka aargoostaan saraakiil iyo shakhsiyaad ay yaqaannaan.
PUNTLAND POST