
Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor iyo wefdi uu hoggaaminayo, ayaa maanta oo Axad ah soo gaaray caasimadda Puntland ee Garoowe.
Madaxweyne Qoor Qoor iyo wefdigiisa, waxa Garoonka Diyaaradaha Garoowe ee Gen. Maxamed Abshir ku soo dhoweeyay Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni iyo xubno ka tirsan Golayaasha dowladda Puntland.
Mudane Qoor Qoor iyo wefdigiisa, oo ka kooban mas’uuliyiin ka tirsan Galmudug iyo xildhibaanno heer Federaal ah, waxay ka qayb-galayaan Madasha doodaha ee hay’adda Heritage, taas oo todobaadkan lagu qaban doono Garoowe.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.