Wasiirka Arrimaha Gudaha Puntland Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad, ayaa xannibaad ku soo rogay dhammaan Xisaabaadka Dowladda Hoose ee Gaalkacyo ku leedahay Bangiyada iyo Shirkadaha gaarka ah.
Qoraal ka soo baxay Xafiiska Wasiir Dhabancad, ayaa lagu amray Bankiga dowladda iyo dhammaan Shirkadaha ay ka furan yihiin Akoonnada Dowladda Hoose, in laga bilaabo maanta oo ku beegan 26-ka December 2020 aan wax lacag ah laga saari Karin Xisaabaadka degmada Gaalkacyo.
Qoraalka waxa lagu sheegay, in xannibaaddan la amray, iyadoo la fulinayo waajibaadka ku aaddan ilaalinta Hantida dowladda iyo Isla-xisaabtanka hay’adaha kala duwan ee Qaanuun ahaan hoos yimaada Wasaaradda Arrimaha Gudaha Puntland.
Tallaabadaas ayaa ku soo beegmatay, iyadoo maanta Shaqa-joojin lagu sameeyay Duqa degmada Gaalkacyo, kadib markii lagu tuhmay musuq maasuq, islamarkaana Hanti-dhawrka Puntland ku bilaabay baaritaan la xiriira xaqiijinta eedaymaha loo haysto.

PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.