Puntland oo ka hadashay muddaharaadkii Garoowe

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa si adag uga hadlay muddaharaad Rabshado watay, oo maanta ka dhacay Garoowe, kaas oo looga cabanayay sicir-bararka iyo qiima dhaca Lacagta Shiling Soomaaliga ah.

Madaxweyne Deni, ayaa sheegay in Rabshadahaas ay abaabuleen dad dano siyaasadeed leh oo ka xun Horumarka iyo Nabadda ka jirta Puntland, islamarkaana doonayay in ay sawir xun ka bixiyaan xaaladda Amni ee Puntland.

Isagoo hadalkiisa sii wata, ayuu Madaxweynuhu tilmaamay in muddaharaadkaas lagu soo beegay, xilli ay Garoowe imaanayeen madax kala duwan oo marti ku ah Barnaamijka doodda ay Heritage ku qabanayso caasimadda Puntland.

Wuxu sheegay in ujeedka muddaharaadka laga lahaa ay tahay, in lagu khal-khaliyo Barnaamijkaas hay’adda Heritage ku qabanayso Garoowe, si loo suurad xumeeyo Nabadda ka jirta Puntland.

PUNTLAND POST