Dowladda Soomaaliya oo beenisay Hadal ka soo yeeray Ex. Ra’iisul wasaare Khayre

Wasiirka Maaliyadda xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Beyle, oo marti ku ahaa barnaamij dood ah, oo ka baxa Telefishinka dowladda, ayaa sheegay in wasaaraddiisu ka shaqaynayso in hantida dawladda aan si qaldan loogu adeegsan doorashada soo socota ee heer Federaal.

Wasiir Beyle, Waxa uu sheegay in Qarashka ku baxaya doorashada dhammaystirkeeda ay ka wada shaqaynayaan Beesha caalamka iyo dowladda 27-da bishan, si loo diyaariyo lacagta doorashada oo lagu qiimeeyey ilaa 40-milyan oo Doller, islamarkaana dawladdu bixinayso 10% oo u dhiganta 4-milyan oo Doller, taas oo lagu caddeeyey miisaaniyadda 2021-da.

Lacagtaas ayaa loo qoondeeyey in lagu fuliyo hawlaha doorashada, sida safarada gudiyada doorashada heer Federaal iyo heer dawlad goboleed, goobaha ay dagayaan, xafiisyada shaqada, tababarrada Ergada iyo gunooyinka hawlwadeenada.

“Ma jiri doonto lacag aan intaas ahayn in loo istcimaalo doorashada, mana dhici karto, wasiirku xitaa qasnadda dawladda lacag kama saari karo hannaanka maaliyadeed baa diidaya” ayuu yiri wasiir Beyle.

Dhinaca kale, wasiirka Maaliyadda ayaa xusay in aanay jirin dowlad ama hay’ad caalami ah oo Soomaaliya ka joojisay lacag ay siin jirtay sabab la xiriirta doorashada dalka ka dhacaysa, waxaana uu xusay in xiriirka wada shaqayneed ee Soomaaliyada la leedahay Bankiyada caalamiga ah iyo hay’adaha dhaqaalaha adduunka uu yahay mid wanaagsan.

Hadalka Wasiir Beyle, ayaa ku soo beegmay, xilli Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Cali Khayre uu sheegay in ay jiraan dalal iyo hay’ado dowladda Soomaaliya ka joojiyay lacagihii ay siin jireen, si aan musuq maasuqa doorashada loogu adeegsan.

PUNTLAND POST