Al-shabaab oo xukun dil ah ku fulisay nin ku eedaysan saaxirnimo

War ka soo baxay Al-shabaab ayaa lagu sheegay in ay dil toogasho ah ku fuliyeen nin lagu helay danbi saaxirnimo ah.

Maxkamadda Al-shabaab ayaa fagaare ku yaalla degaanka Ceelcadde ee Gobolka Gedo ku toogatay Maxamed Sidiiq Xuseen oo ka tirsanaa dadka degaankaas kadib markii Al-shabaab sheegtay in uu qirtay danbi saaxirnimo.

Shacabka degaanka oo ay ku jiraan Haween iyo carruur ayaa lagu amray in ay u soo daawasho tagaan xukunka lagu fulinayay ninkaas.

Waxa xusid mudan in aysan jirin caddaymo Al-shabaab soo bandhigtay oo muujinaya in marxuumka la toogtay uu danbigaas galay.

PUNTLAND POST