Suuqyada Garoowe, waxa saaka oo jimce ah ka taagan jaah-wareer xooggan, oo salka ku haya isticmaalka iyo socod-siinta Lacagta Shiling Soomaaliga ah, kaas oo saamayn taban ku yeeshay nolosha danyarta.
Dhammaan Goobaha kala duwan ee Ganacsiga Garoowe iyo Dukaannada iibiya Agabyada as’aasiga ah, ayaa diiday Socod-siinta iyo Isticmaalka Shiling Soomaaliga, kadib markii sida ay sheegeen dowladdu diiday in ay Canshuurta ku qaaddo Shiling-ka.
“ Saaka aniga oo Shiling Soomaali badan sita, waxan iibsan kari waayay kimis Rooti ah. Sidoo kale koob shaah ah waan ka cabi waayay, waxaana la idhahay: tani socon maysee Dollar ma haysaa” ayuu yiri qof diiday in magaciisa la xigto.
Jaah-wareerkan soo kordhay, wuxu durba saamayn ba’an ku yeeshay nolosha muruq-maalka iyo dadka kale ee danyarta ah, kuwaas oo aan haysan Lacagta Dollar-ka, si ay wax ugu iibsadaan.
PUNTLAND POST