Maxaa ka soo baxay shirkii Puntland iyo Galmudug ee Gaalkacyo?

Madaxweynayaasha Puntland iyo Galmudug oo maanta shir ku yeeshay magaalada Gaalkacyo ayaa soo saaray war-murtiyeed wadajir ah.

Puntland iyo Galmudug ayaa sheegay in ay ku heshiyeen in ay ka shaqeeyaan sidii la isugu soo dhaweyn lahaa dhinacyada ku kala aragtida duwan doorashada Soomaaliya ee 2020/2021.

Sidoo kale qodobada ay ku heshiiyeen waxaa mid ah in ay iska kaashadaan amniga gudaha labada maamul iyo la dagaalanka Al-shabaab iyo Daacish.

Puntland iyo Galmudug waxay ugu baaqeen ummadda Soomaaliyeed in la ilaaliyo midnimada, amniga iyo xasiloonida dalka, lagana fogaado wixii keeni kara xasilooni darro iyo khalkhal amni.

PUNTLAND POST