Madaxda Puntland iyo Galmudug oo shir uga socdo Gaalkacyo

Madaxweynayaasha Puntland iyo Galmudug, Siciid Cabdullaahi Deni iyo Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor ayaa shir uga furmay magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug.

Shirka oo hadda ka socda aqalka madaxtooyada Puntland ee Gaalkacyo ayaa looga hadlayaa doorashada Soomaaliya, amniga Gaalkacyo iyo iskaashiga labada maamul.

Waxaa shirka ka qeybgalaya, xildhibaano ka tirsan Aqalka Sare ee Soomaaliya, wasiiro iyo saraakiil madaxtooyo oo ka tirsan Puntland iyo Galmudug iyo guddoomiyeyaasha gobolada iyo degmooyinka ee labada dhinac ee gobolka Mudug.

PUNTLAND POST