Fannaankii Soomaaliyeed Cabdi Cali Bacalwaan, ,ayaa xalay goor dambe ku geeriyooday isbitaal ku yaalla waddanka Jarmalka sida laga soo xigtay xubno ka tirsan Qoyskiisa.
Marxuum Bacalwaan oo muddooyinkii u dambeeyay ku xanuunsana Jarmalka, waxa la xaqiijiyay in uu u geeriyooday xanuunka COVID-19.
Alle ha u naxariistee, Fannaan Bacalwaan wuxu ka tirsanaa Fannaaniintii Qaran ee Hobollada Waaberi, waxaana uuna qayb ka ahaa Riwaayado badan, isagoo qaaday heeso kala duwna oo qaarkood Talantaalli ahaayeen.
Waxaa kamid ah heestan oo uu sameeyay Abwaan Maxamed Aaden Dacar, islamarkaana ay wada-qaadaan Sahro Axmed Jaamac iyo Bacalwaan.
Sida Geenyo iyo Faras
Iyadoo Gu’gii da’ay
Gaashaamo iyo Sirow
Garanuugle iyo Tuban
Geel-didiska Xodayood
Garduur mayracanayo
Oo kaymaha gelgelimaha
Gonnada xareedda leh
Galabtii cadceedsada
…………………………………
PUNTLAND POST