
Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi oo safar shaqo ku jooga waddan Jabuuti ayaa kulan la qaatay Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle oo xarunta madaxtooyada Jabuuti ku qaabiley.
Qoraal ka soo baxay Madaxtooyada Somaliland, ayaa lagu sheegay in Kulanka labada madaxweyne yeesheen ay kaga wada hadleen danaha labada dhinac, adkaynta xiriirka soo jireenka ah ee ka dhexeeya, isu-socodka arrimaha bulshada iyo Nabadgelyada labada dhinac.
“ Labada madaxweyne waxay yeesheen kulan muhiima oo ay kaga wada hadleen danaha labada dal, adkaynta xidhiidhka soo jireenka ah ee ka dhexeeya labada dhinac iyo isu-socodka arrimaha bulshada iyo nabadgelyada mandaqada.”
Biixi iyo Geelle waxa Kulanka ku wehelinaayey wasiirrada Arrimaha dibeda Somaliland iyo Jabuuti,Yaasiim Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon), iyo Maxamuud Cali Yuusuf iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan labada dhinac.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.