
Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi iyo wefdi uu hoggaaminayo, ayaa saaka oo Arbaco ah safar shaqo ugu ambo baxay waddanka Jabuuti.
Qoraal ka soo baxay Madaxtooyada Somaliland, ayaa lagu sheegay in Madaxweyne Muuse Biixi uu marti-qaad rasmiya ka helay Madaxweynaha waddanka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle.
Labada Madaxweyne, oo kulan gaar ah yeelan doona, waxa sida Madaxtooyada Somaliland sheegtay ay ka wada-hadli doonaan xoojinta xiriirka labada dhinac iyo danaha ka dhexeeya Somaliland iyo Jabuuti.
Madaxweyne Muuse Biixi, waxa ku wehelinaya safarkiisa shaqo wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Sskaashiga caalamiga ah Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon).
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.