Dowladaha Ingiriiska iyo Faransiiska, ayaa isku afgartay in la furo xuduuda marinka badda ah ee u dhexaysa laba dal, oo xirnayd maalmihii la soo dhaafay.
Xoghayaha Gaadiidka dowladda UK Grant Shapps, ayaa sheegay in arbacada saaka ah ay bilaaban doonaan isu-socodka Gaadiidka badda ee u dhexeeyay Faransiiska iyo Britain .
Mr Grant Shapps, ayaa tilmaamay in dadka xuduuda ka talaabaya la baarayo ka hor inta aanay bixin.
2,800 gaari oo kuwa xamuulka ah ayaa ku xaniban Gobolka Kent ee UK, kuwaas oo sugaya in ay u gudbaan dhanka Faransiiska .
Shaqaalaha Waaxda Caafimaadka ee NHS, ayaa xarumo karoonaha lagu baaro ka sameysan doona Gobolka Kent, si ay u fududeeyaan baaritaanka dadka doonaya in ay u tallaaban dhanka Faransiiska.
Faransiiska ayaa ka mid ahaa in ka badan 40 dal oo xayiraad saaray UK kadib markii laga helay nooc cusub oo kamid ah xanuunka CODI-19, kaas oo si xawliya ku faafaya.
PUNTLAND POST