Guddiga lagu muransanyay ee Doorashooyinka heer Federaal, ayaa maanta oo Arbaco ah soo saaray jadwalka Doorashada Aqalka Sare ee Baarlamanka Federaalka Soomaaliya.
Qoraal ka soo baxay Guddiga Doorashooyinka 2020/2021, ayaa lagu sheegay in diiwaan-gelinta Tartamayaasha Aqalka sare ay bilaaban doonto 26-ka bishan December 2020.
Sidoo kale, Qoraalka waxa Madaxweynayaasha Dowlad Goboleedyada looga codsaday, in ay liiska Tartamayaasha Aqalka sare soo saaraan 29-ka bishaan December 2020.
Doorashada Aqalka Sare ee Baarlamanka Federaalka, ayaa loo asteeyay in ay dhacdo inta u dhexaysa 31-ka December 2020 ilaa 6-da January 2021, sida ku cad Qoraalka Guddiga.

PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.