Beesha Caalamka oo loogu baaqay in ay Farmaajo u aqoonsato Qaswade Siyaasadeed

Midowga Musharaxiinta Muqdisho, ayaa si adag u cambaareeyay go’aanka guddiga lagu muransan yahay ee doorashada heer Federaal ku soo saareen Jadwalka cusub ee Doorashada.

Midowga Murashixiintu, waxay sheegeen in ay tallaabadaas u arkaan boobka doorashada heer Federaal, oo uu Madaxweynuhu ugu bareerayo abuuris xasarad siyaasadeed lagu burburinayo nidaamka dimoqraadiga.

Murashixiintu, waxay ugu baaqeen  Madaxweynayaasha dowlad goboleedyada, in aysan ku kadsoomin qabashada doorashooyin aan la isku raacsaneyn.

Sidoo kale, Midowga Musharaxiinta ayaa Beesha Caalamka ugu baaqay in Madaxweyne Farmaajo loo aqoonsado Qaswade Siyaasadeed.

PUNTLAND POST