Wejiga labaad ee dhismaha waddada Ceeldaahir-Ceergaabo oo la daahfuray

Madaxweyne ku-xigeenka Puntland Axmed Cilmi Cismaan Karaash, ayaa maanta daahfuray wejiga labaad ee dhismaha waddada Ceeldaahir ilaa Ceergaabo oo lagu bilaabay laami saarka.

Madaxweyne ku-xigeenka ayaa bogaadiyey shaqada wanaagsan ee ay qabteen Wasaaradda Howlaha Guud, Guddigii ka shaqeynayay dhismaha waddada iyo guud ahaan dadweynaha reer Puntland oo kawada qeyb qaatay, wuxuuna muujiyay in dowladda Puntland ay muhiimad gaar ah u leedahay waddadan.

Dhismaha waddada Ceeldaahir ilaa Ceergaabo oo ah mashruuc isku tashi lagu dhisayo ayaa ah kii ugu horeeyay ee noociisa ah oo laga hirgeliyo Puntland.

PUNTLAND POST