
Qaar kamid ah waxgaradka Mandheera ayaa dowladda Kenya ka codsaday in ay muddo 48 saacadood ah uga saarto Mandheera Cabdirashiid Janan.
Waxgaradka Mandheera ayaa sheegay in ay ka soo horjeedaan in Cabdirashiid Janan dagaal ka baabulo degaankooda oo xabad ka dul rido, iyagoo ku hanjabay haddii dowladda Kenya saari weydo, ay shacabka iska saari doonaan.
Waxay tilmaamay in Cabdirashiid Janan uu saldhig ciidan ka sameystay beero dad shacab ah leeyihiin oo ku yaalla gudaha Manadheera, halkaas oo kawado abaabul ciidan.
Cabdimajiid Khaliif Maxamed oo kamid ah waxgaradka Mandheera ayaa yiri “Anigoo ku hadlaya codka reer Mandheera, gaar ahaan Mandheera Town, waxaan adduun weynaha u sheegaynaa in ninka la yiraahdo Cabdirashiid Janan oo dorraad sheegay in uu Baladxaawo gees ka haysto uu been sheegayo, oo degan yahay beerta Sheekh Yoonis Diin oo ku taalla Buulo Barwaaqo, Mandheera Town”
“Midda labaad waxaan siinaynaa isaga iyo ciidan kiisaba in ay 48 saac uga baxaan magaalada Mandheera, dowladda Kenya waxaan u sheegaynaa in ay ammaanka reer Mandheera ilaaliso” ayuu hadalkii sii raaciyay.
“Todobaadkan waxaan arkaynaa ciidamo habeen iyo maalin lagu gurayo xerada Cabdirashiid Janan, arrintaas mid aan u dulqaadan karno maahan, waxaan ku jirnaa labo xabo dhexdood” ayuu yiri oday kale oo ah reer Mandheera.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.