Xeer ilaalinta Soomaaliya oo soo geba gabeysay baarista dacwad ka dhan ah Hay’adda SAHAN RESEARCH

Xafiiska Xeer-ilaaliyaha guud ee dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa soo gabo-gabeeyey baarista gal-dacwadeed ka dhan ah Hay’adda SAHAN RESEARCH oo dowladda Soomaaliya horay dalka uga mamnuucday.

Xeer-ilaaliye Sulaymaan Maxamed Maxamuud ayaa bartiisa Twitter-ka ku qoray in ay dacwadda hay’addaan dhawaan ay u gudbin-doonan Maxkamadda gobolka Banaadir si ay u qaado tallaabooyinka ku habboon ee sharciga ah.

SAHAN oo dowladda Soomaaliya ay horay  ugu eedaysay fal danbiyeedyada liddi ku ah qaranimadda Soomaaliya, faragalinta siyaasadda dolwadda, faafinta siraha amniga dalka iyo qodobo kale waxaa iska leh Matt Bryden oo mar madax ka so noqday kooxda UN Monitoring Group ee Soomaaliya iyo Eritrea.

PUNTLAND POST