IGAD oo soo dhoweysay habka doorashada Soomaaliya

Jabuuti (PP) — Warmurtiyeedka shirkii aan caadiga ahayn ee IGAD ayaa lagu xusay dadaallada dowladda Soomaaliya ay dalka ugu diyaarinayso doorasho.

Madaxweyne Farmaajo wuxuu taageero siyaasadeed ka helay IGAD.

IGAD waxay dowladda federaalka iyo maamul federaaleedyada ku boorrisay inay ismaandhaafka jira ku xalliyaan si waafaqsan shirkii Dhuusamareeb ee 17kii bishii Sebteembar si doorashadu ugu qabsoonto waqtiga loogu talogalay.

IGAD waxay dhinac istaagtay Ra’iisal Wasaare Abiy Axmed oo howlagalkiisii ay ku tilmaantay mid lagu dhowrayo midnimada iyo xasilloonida Itoobiya.

IGAD waxay dhegeysatay warbixinta Ra’iisal Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed Cali ku saabsanayd howlgalkii gobolka Tigray, waxayna dhinac istaagtay sarreynta dastuurka, xasilloonida iyo midnimada Itoobiya.

Shirka aan caadiga ahayn ee IGAD wuxuu socday laba maalmood. Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa si gaar ah u kulansiiyay madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Kenya.

© Puntland Post, 2020