Dalal kala duwan oo ka tirsan Midowga Yurub, ayaa xayiraad dhanka socdaalka ah saaray waddanka Ingiriiska, oo laga helay nooc cusub oo Covid-19, si looga hortago faafidda xanuunkaas
Dalal ay kamid yihiin Holand iyo Belgium, ayaa joojiyay duulimaadyada ka yimaada dalka Ingiriiska, si looga taxaddaro faafidda nooca cusub ee Coronavirus.
Sidoo kale, Talyaaniga, Fransiiska, Jarmalka iyo Ireland ayaa qaaday tallaabo taas lamid ah, si loo xakameeyo mowjadaha safmarka Covid-19.
Xanuunka ayaa haatan si deg deg ah ugu faafaya magaalada London iyo qayba kamid ah Gobolka Igland, halkaa soo uu ku so laba-kacleeyay.
PUNTLAND POST