Koox ka tirsan Al-shabaab, oo gacanta ku haya degaanka Milxo ee Gobolka Sanaag, ayaa sii daayay saddex ruux oo todobaad ka hor ay ku af-duubteen degaankaas.
Wararku waxay sheegayaan, in kadib wada-hadal dhexmaray Odayaasha degaanka iyo kooxda lagu sii daayay saddexda xubnood, oo uu ku jiro nin lagu magacaabo Maxamed Jaamac Aar, kaas oo mar guddoomiye ka ahaa Milxo.
Sidoo kale, kooxda Al-shabaab ayaa dadka degaanka ku amray in ay dhaqan-geliyaan awaamiir ku saabsan joojinta maandooriyaasha, oo ay ku jirto mamnuucidda Khamriga iyo Xashiiska, waxaana ay ku hanjabeen in tallaabo laga qaadi doono cid kasta oo lagu arko maandooriyaha.
Kooxda ayaa weli gacanta ku haya degaankaas oo ay qabsadeen 10-kii bishan December 2020 kadib markii ay ka soo dageen dhinaca buuraleyda Calmadow ee Gobolka Sanaag.
PUNTLAND POST