
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta oo Axad ah hoygiisa Gaalkacyo ku booqday Islaan Bashiir Islaan Cabdulle.
Ra’iisul wasaare Rooble oo weli ku sugan magaalada Gaalkacyo halkaas oo uu Jimcihii soo gaaray ayaa Salaan sharafeed ugu tegay Islaanka oo kamid ah Isimada ugu waaweyn Puntland.
Qoraal ka soo baxay Xafiiska Ra’iisul wasaaraha ayaa lagu sheegay in Islaanka iyo Ra’iisul wasaaruhu ka wada hadleen Kaalinta Dhaqanka ee Nabadaynta iyo Isku-haynta Bulshada.
“Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa hoygiisa Gaalkacyo salaan sharafeed ugu tagay Islaan Bashiir Islaan Cabdille, oo ay ka wada hadleen kaalinta dhaqanka ee nabadeynta iyo isku haynta bulshada.” Ayaa lagu yiri Qoraalka.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.