Madaxweynayaasha Kenya iyo Soomaaliya oo lagu kulansiiyay Jabuuti

Madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Madaxweynaha Kenya, Uhuru Kenyatta, ayaa maanta oo Axad ah si toos ah la isu’ hor-fadhiisiyay magaalada Jabuuti, halkaas oo uu ka dhacayo Shir deg deg ah oo Madaxda Urur Goboleedka IGAD ka yeelanayaan xaaladda Gobolka.

Kulanka labada dhinac, oo ay goob-joog yihiin Ra’iisul wasaaraha Ethiopia Abiy Ahmed iyo Madaxweynaha Waddanka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle, waxaa looga hadlayaa xallinta xiisadda Diblomaasiyadeed ee u dhexaysa labada dal ee Soomaaliya iyo Kenya.

Dowladda Soomaaliya ayaa hore dacwad ka dhan ah Kenya u gudbisay Urur Goboleedka IGAD, waxaana ay Kenya ku eedaysay in ay fara-gelin ku hayso Arrimaha gudaha Soomaaliya, sidoo kale dowladda Soomaaliya waxay dhowaan xiriirka Diblomaasiyadeed u jartay dowladda Kenya.

Sidoo kale, Shirka deg dega ah oo ay Maanta Jabuuti ku yeelanayaan Madaxda Urur Goboleedka IGAD ayaa waxa Ajandihiisa kamid ah xallinta muranka Diblomaasiyadeed ee u dhexeeya dowladaha Soomaaliya iyo Kenya.

PUNTLAND POST