
Taliska Ciidanka Kumaandooska Soomaaliya ee Danab, ayaa shaaciyay in ay nolosha ku qabteen laba Horjooge oo ka tirsan Al-shabaab, kadib hawlgal ay ka sameeyeen Gobolka Shabeellada Hoose.
War ka soo baxay Taliska Kumaandooska Danab, ayaa lagu sheegay in nolosha lagu qabtay Horjooge Siidow Mayow Xaaji iyo Horjooge kale oo magaciisa lagu koobay Isxaaq, kuwaas oo Al-shabaab u qaabilsanaa ururinta Lacagaha ay dadka ka qaadaan.
Dhinaca kale, ma jirto cid si madax-bannaan u xaqiijisay sheegashada Danab, ee la xiriirta in ay nolosha ku qabteen Horjoogayaal ka tirsan Al-shabaab, sidoo kalena weli Al-shabaab kama hadlin Warkaas.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.