Wararka ka imaanaya degaanka Gummarey, oo ka tirsan Gobolka Waqooyi bari kenya, ayaa sheegaya in halkaas Al-shabaab weerar culus ka fuliyeen saacadihii la soo dhaafay.
Dabley ka tirsan Al-shabaab, ayaa la xaqiijiyay in ay weerar xooggan ku qaadeen degaanka, islamarkaana saacado gacanta ku hayeen, kadibna af-duubteen Guddoomiyihii degaanka Gummarey u qaabilsanaa dowladda Kenya.
Sidoo kale, waxa la sheegay in kooxdu ay dab qabadsiiyeen Isgaarsiinta degaan lagu magacaabo Ileela, oo ka tirsan degmada Mandheera ee Waqooyi bari Kenya.
Al-shabaab ayaa muddooyinkii u dambeeyay kor u qaaday weerarada ay ka fulinayaan gudaha Gobolka Waqooyi bari Kenya. gaar ahaanna degaannada dhaca xuduudka labada waddan.
PUNTLAND POST