Puntland oo hal qodob ku baaqday kadib Qaraxii Gaalkacyo

Wasiirka Warfaafinta dowladda Puntland Cabdullaahi Cali Xirsi Tima-cadde, oo xalay warbaahinta kula hadlay Garoowe, ayaa ka tacsiyeeyay dhammaan Saraakiishii, mas’uuliyiintiia iyo shacabkii ku dhintay Qaraxii Gaalkacyo.

Wasiir Tima-cadde ayaa ku baaqay in dadka Reer Galmudug iyo Puntland ee wada-deggan Gaalkacyo ay dhammaantood meel uga soo wada-jeestaan kooxaha Qaraxyada ka fuliyaha magaalada, islamarkaana dagaal wadajir ah lagu qaado.

Sidoo kale, Wasiirka ayaa ku boorriyay guud ahaan umadda Soomaaliyeed, in ay u midoobaan dagaalka ka dhanka ah kooxaha dilalka iyo Qaraxyada ka gaysta gudaha Soomaaliya.

Hoos ka daawo Muuqaalka

PUNTLAND POST