
Dowladda Baxrayn ayaa si adag u cambaaraysay Qaraxii shalay ka dhacay koonfurta magaalada Gaalkacyo, kaas oo ay ku dhinteen saraakiil, masuuliyiin iyo dad shacab ah.
Qoraal ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda boqortooyada Baxrayn ayay si adag ugu cambaaraysay Qaraxaas waxaana ay tacsi u dirtay Ehelada iyo Qoysaska dhammaan dadkii ku dhintay Qaraxa.
Dowladda Baxrayn waxay sheegtay in ay si buuxda u garab taagantahay dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed si looga guulaysto kooxaha dilalka iyo Qaraxyada ka wada gudaha Soomaaliya.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.