Deni oo maamullo ku meelgaar ah u magacaabay degmooyin ka tirsan Bari

Madaxweyanha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa degmooyinka Qandala iyo Balli-dhidin oo ka tirsan gobolka Bari u mgaacaabay maamullo cusub oo ku meelgaar ah.

Wareegto ka soo baxday Madaweyne Deni ayaa Axmed Yuusuf Maxamed (Khuurshe) si ku-meel-gaar ah loogu magacaabay Guddoomiyaha Degmadda Qandala, halka Maxamed Jaamac Muuse (Cadaysay) si ku-meelgaar ah loogu magacaabay Guddoomiye ku xigeen.

Wareegtada ayaa lagu sheegay in sababta maamul cusub loogu mgacaabay Qanadaha in ay tahay geeridii Guddoomiyihii hore ee Degmada iyo iyadoo weli aysan suurto galin in la dhiso Gole Deegaan oo cusub.

Dhanka kale wareegto kale oo uu soo saaray madaxweyne Deni ayaa Maxamed Axmed Muumin si ku-meel-gaar ah loogu magacaabay Guddoomiyaha Degmada Balli-dhiddin, halka uu Cabdiqani Maxamuud Ciise si ku-meel-gaar ah loogu magacaabay Guddoomiye ku-xigeen.

Sababta maamul cusub loo mgacaabay ayaa wareegtada lagu sheegay in ay tahay in ay dhammaatay mudo xileedkii Golaha Deegaanka Degamadda Billi-dhiddin, walinna aysan suurto gelin in la dhiso Gole deegaan oo cusub.

PUNTLAND POST