
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa magaalada Cadaado kulan gaar ah kula qaatay qaar kamid ah Odayaasha dhaqanka degaanka Xeraale ee Gobolka Galgaduud.
War kooban oo ka soo baxay Xafiiska Ra’iisul wasaare Rooble ayaa lagu sheegay in uu Odayaasha kala hadlay Nabadeynta iyo dib-u-heshiisiinta sidii horey loogu sii amba qaadi lahaa.
Odayaasha ayaa Ra’iisul Wasaaraha warbixin ka siiyey xaaladaha deegaanka iyo arrimaha u baahan in Xukuumaddu ay wax kala qabato ee dhinacyada horumarka iyo kaabayaasha adeegyada bulshada.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.