Qarax xooggan oo lala beegsaday Soo dhowaynta Ra’iisul wasaare Rooble ee Gaalkacyo

Qarax xooggan ayaa hadda ka dhacay Koonfurta Magaalada Gaalkacyo halkaas oo uu haatan soo gaaray Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble.

Jugta Qaraxa oo laga maqlay dhammaan xaafadaha kala duwan ee Gaalkacyo ayaan weli la ogayn halka ay sida tooska ah uga dhacday waxaase la xaqiijiyay in Qarax miino uu dhacay.

Qiiq iyo uuro weyn ayaa laga arkay nawaaxiga Qaraxaas ka dhacay waxaana wararka qaar sheegayaan in uu jiro khasaare dhimasho iyo dhaawac oo ka dhashay Qarax.

Sidoo kale, waxa buuq iyo jaahwareer ku yimid soo dhowayn loo samaynayay Ra’iisul wasaare Rooble oo halkaas ka socotay.

Faahfaahinta kala soco Puntlandpost