Gen. Qooje Dagaari iyo saraakiil kale oo ku dhintay Qaraxa Gaalkacyo

Warar hordhac ayaa ka soo baxaya Khasaaraha ka dhashay Qarax xooggan oo goordhoweyd ka dhacay koonfurta Gaalkacyo, halkaas oo ay ka socotay soo dhowaynta Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble, oo galabta soo gaaray Gaalkacyo.

Qof ismiidaamiyay, ayaa la xaqiijiyay in uu isku qarxiyay afaafka hore ee Garoonka Kubadda Cagta Cabdullaahi Ciise, oo ay ka socotay soo dhowaynta, waxaana qaraxaas ka dhashay khasaare isu’gu jira dhimasho iyo dhaawac.

Dadka qaraxa ku geeriyooday, waxa kamid ah Taliyihii Qaybta 21-aad ee Ciidamada Milateriga Soomaaliya Gen. Qooje Dagaari, Duqii hore ee Gaalkacyo Qaybta Puntland Maxamud Yaasiin Tumay iyo Saraakiil kale oo aan weli magacyadooda la helin.

Wixii ka soo kordha Khasaaraha kala soco Puntland Post