Guddoomiyaha Puntland u qaabilsan degmada Dhahar ee Gobolka Haylaan, Cabdifitaax Maxamed Salaad, ayaa beeniyay warar sheegaya in xubnaha Golaha Degaanka Dhahar ay xilka qaadis ku sameeyeen.
Guddoomiyaha ayaa sheegay, in aysan jirin shir ay yeesheen xubnaha Golaha Degaanka, islamarkaana isaga xilka uga qaadeen, balse xubno mucaaradsan oo keliya ay sheegeen in ay xilka xayuubin ku sameeyeen.
Sidoo kale, wuxu xusay in xubnaha isaga mucaaradsan qaarkood ay xiriir hoose la leeyihiin Somaliland,inkastoo uusan sheegin caddayn muujinaysa in xubnahaas ay Somaliland u shaqeeyaan.
Hadalka Guddoomiyaha ayaa ku soo beegmay, kadib markii shalay qaar kamid ah Xubnaha Golaha Degaanka Dhahar ay shaaciyeen in ay isaga xilka xayuubin ku sameeyeen.

PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.