Ra’iisul wasaare Rooble oo Shir-guddoomiyay Kulanka Golaha Wasiirada Galmudug

Sawir ay wadajir ugu jiraan labada dhinac

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble oo ku sugan magaalada Dhuusamareeb ayaa xalay Shir-guddoomiyay kulan ay isugu yimaadeen Golaha wasiirrada Galmudug.

Kulankaas waxaa ka qeyb galay madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor iyo wasiirrada dowladda federaalka ee Ra’iisul Wasaaraha ku wehliya safarkiisa.

Shirkan ayaa  diirradda lagu saaray wadashaqeynta, iskaashiga dowladda federaalka iyo dowlad goboleedka Galmudug.

Ra’iisul wasaare Rooble iyo wefdi uu hoggaaminayo ayaa ku sugan magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda dowlad goboleedka Galmudug waxaana ay halkaas kulamo kala duwan kula qaadanayaan madaxda Galmudug.

PUNTLAND POST