Mudaharaad ka dhacay Muqdisho

Magaalada Muqdisho waxaa maanta ka dhacay mudaharaad ay soo abaabuleen qaar kamid musharaxiinta u tartamaya xilka madaxtinimada Soomaaliya.

Dad u badan haween iyo caruur oo wata boorar ay ku xardhan yihiin ereyo looga soo horjeedo madaxweyne Farmaajo ayaa bannaanbax ka sameeyay xaafado kamid ah degmooyinka Kaaraan iyo Yaaqshiid ee gobolka Banaadir, kuwaas oo ku dhawaaqayay ereyo ay kamid yihiin ‘doonimeyno kaligiis taliye’.

Sidoo kale mudaharaadayaasha ayaa waddooyinka xiray oo ku gubay taayiro, waxayna qaarkood sheegeen in ay doonayaan in ay dalka ka dhacdo doorasho nabad ah oo loo dhan yahay.

Ciidamo ka tirsan booliska Soomaaliya oo tegay goobaha mudaharaadku ka socday ayaa rasaas ku kala eryay dadkii bannaanbaxa dhigayay.

PUNTLAND POST