
Golaha Midowga Murashaxiinta Muqdisho, ayaa si kulul u canbaareeyay rasaas ay sheegeen in ciidanka dowladda Federaalka Soomaaliya si arxan darro ah ugu fureen shacab ku muddaharaadayay Muqdisho.
Golohu wuxuu mas’uuliyada eeddaas dusha ka saaray Madaxweynaha dowladda Federaalka Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, kaas oo sida ay tilmaameen shacabka u adeegsaday ciidanka Gorgor, iyo Haramcad ee ay dowladda Turkiga tababartay.
“Waxaa rasaastii maanta ay ciidanka fureen ku dhaawacmay ilaa afar ruux, halka la xiray labo ruux oo kale. Taliska Ciidanka Nabadsugidda iyo Booliska Gobolka Banaadir ayaa ku raadjooga dadkii mudaaharaadka ka qayb galay.” Ayaa lagu yiri Qoraalka.
“ Goluhu wuxuu dalbanayaa in si degdeg ah loo sii daayo dadka la xiray, lana joojiyo baacsiga lagu hayo dadkii dibadbaxa ka qaybgalay. Goluhu wuxuuna uga digayaa ciidanka in ay qaataan amarka lagu xabbadaynayo shacabka walaalahood iyo waalidoontooda ah, waana in ay xusuusnaadaan in muddo xileedka Madaxweyne Farmaajo ay ka harsan tahay oo keli ah 54 maalin.”
Sidoo kale, Goluhu wuxuu sheegay in Madaxweyne Farmaajo uu diiddan yahay in la qabto doorasho xor iyo xalaal ah, la dhigo dibad baxyo iyo kulamo nabadeed oo ay shacabku ku cabirayaan aragtidooda si xor ah, taasoo ka soo horjeeda Dastuurka dalka iyo qiyamka caalamiga ah ee xuquuqul insaanka.
“Xorriyadu waxay leedahay qiimo ay ku kacdo, iyadoo taa laga duulayo ayuu Golaha Midowga Murashaxiinta wuxuu ugu baaqayaa shacabka Soomaaliyeed in ay sii wadaan isku soo baxyada nabadeed, waxaan idin balanqaadaynaa in aan ku soo biiri doono dibadbaxyada soo socda.” Ayuu sii raaciyay Qoraalka.

PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.