Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, ayaa shaacisay in ay dacwad ka gudbisay dowladda Kenya, kadib markii ay fara-gelin ku samaysay Arrimaha Gudaha Soomaaliya.
War Qoraal ah oo ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya, ayaa lagu sheegay in Dacwadda loo gudbiyay Shir-guddoonka Urur Goboleedka IGAD, ahna Ra’iisul wasaaraha Suudaan Cabdalla Xamduuk.
Qoraalka waxaa sidoo kale lagu xusay, in Madaxda dowladaha Urur Goboleedka IGAD ay shir ka yeelan doonaan Dacwadda Soomaaliya u gudbisay ee ka dhanka ah Kenya, taasi oo ku saabsan fara-gelinta Arrimaha Gudaha.
Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya, waxay sheegtay in Shirka Madaxda IGAD ee ku saabsan xal u helidda Muranka Kenya iyo Soomaaliya uu 20-ka bishan December ka qabsoomi doona waddanka Jabuuti.
PUNTLAND POST