Rooble oo ka degay Dhuusamareeb

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble iyo wafdi uu hoggaaminayo oo galabta ka duulay Garowe ayaa ka degay magaalada Dhuusamareeb ee xarun Galmudug.

Ra’iisul Wasaare Rooble iyo wafdigiisa waxaa garoonka diyaaradaha Dhuusamareeb ku soo dhaweeyay madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor), ku xigeenkiisa Cali Daahir Ciid, Guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug Maxmed Gacal, xubna katirsan goleyaasha Galmudug, mas’uuliyiin kale iyo qeybaha kala duwan ee bulshadda.

Socdaalka Ra’iisul Wasaare Rooble ee Dhuusamareeb ayaa la xiriirta xoojinta wadashaqeynta dowladda Fadaraalka iyo Galmudug & dardargelinta arrimaha doorashooyinka.

Mudane Rooble ayaa inta uu joogo Galmudug kulamo kala duwan la yeelan doona madaxda Galmudug, bulshada rayidka iyo hoggaanka dhaqanka.

PUNTLAND POST