
Ugu yaraan laba ruux ayaa ku geeriyooday, shan kalena waa ku dhaawacmay, kadib markii gaari nooca Raaxad ah dab ku qabsaday degaanka lagu magacaabo saddexda-higlo, oo ka tirsan koonfurta gobolka Mudug.
Gaariga dabku qabsaday oo noociisu ahaa Landcruiser, waxa uu ka yimid dhanka Muqdisho, isagoo ku sii jeeday magaalada Gaalkacyo, waxaase uu dabku qabsaday xilli uu marayay degaanka Saddexda-higlo.
Faahfaahin sugan weli lagama helin, waxa dabkan sababay iyo haddii khasaaruhu intaas ka badanyahay, balse waxa haatan socda gurmadka loo fidinayo dadka ku waxyeelloobay dabkaas.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.