Kumaandooska Danab oo shaaciyay magacyada Amiiro Ajaanib ah oo ay Al-shabaab ka dileen

Taliska Kumaandooska Soomaaliya ee Danab, ayaa shaaciyay in ay Gobolka Shabeellada Hoose ku dileen  17 xubnoo oo ka tirsan Al-shabaab, kuwaas oo ay ku jiraan Amiiro Soomaali iyo Ajaanib ah.

Qoraal ka soo baxay Taliska Danab ayaa sidoo kale lagu sheegay in Hawlgalkan oo ka dhacay degmada Sablaale lagu burburiyay Xaruntii guud ee Jabdaha Al-shabaab oo halkaas ku taallay.

Hawlgalka waxa lagu dilay Amiiro uu kamid yahay Suleymaan Abuu Maxfuud, oo u dhashay dalka Tanzania, islamarkaana ahaa Ku xigeenka Amiirka  Jabhadaha Al-shabaab, sida lagu caddeeyay Qoraalka Danab.

Sidoo kale, waxa lagu khaarajiyay Abuu Yaasir Yaxiid oo u dhashay Suuriya Al-shabaabna u qaabilsanaa Amniga Xerada Jabhadaha  iyo Xasan Maxamed Cismaan oo u qaabilsanaa Hawlgelinta Malayshiyaadka Jabhadaha.

PUNTLAND POST